807 Views

Gudoomiyaha Gobolka Mudug iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo gaaray deegaanka Wisil ee koonfurta gobolka Mudug.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo  gaaray deegaanka Wisil ee koonfurta gobolka Mudug.
____________________________________________________________________________

May 2-2021

Wararka ka imaanaya Magaalada Galkacyo ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye iyo Wafdi uu hogaaminaayo ay gaareen  deegaanka Wisil ee koonfurta gobolka Mudug.

Guddoomiyaha ayaa waxaa Wisil kusoo dhaweeyay maamulka magaalada iyo saraakiisha ciidanka daraawiishta Galmudug ee ku sugan deegaanka Wisil.

Guddoomiyaha ayaa maanta kulan looga hadlaayo amniga deegaanada koonfurta Gobolka Mudug ayaa deegaanka Wisil kula qaadanaya Guddoomiyaasha Deegaanadaas.

Waxaa sidoo kale Guddoomiyuhu kormeeri doonaa fariisimaha ciidanka Daraawiishta Galmudug ee ku sugan Duleedka wisil.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post