417 Views

Madaxweynaha Ukraine oo booqday jiidda hore ee dagaalka

Madaxweynaha Ukraine oo booqday jiidda hore ee dagaalka
____________________________________________________________________________

Sabti: June 18, 2022

 

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa booqday jiidda hore ee dagaalka kadib booqasho naadir ah uu uga baxay magaalada caasimadda ee Kiev.

Muuqaal uu baahiyay xafiiska madaxweynaha ayaa la arkayay Zelensky oo gaaray magaalada koonfurta dhacda ee Mykolaiv taasoo uu ka muuqday burbur, wuxuu kulan la qaatay maamulka gobolka, isaga oo kala hadlay sidii dib loogu dhisi lahaa magaalada isla markaana loo soo celin lahaa adeegyadii biyaha iyo beeraha.

Booqashada uu ku tegay koonfurta ayaa imaaneysaa maalin uun kadib markii labo qof ay ku dhinteen duqeymaha uu Ruushka ka wado magaaladaas.

Dhinaca kale dagaal xooggan ayaa weli ka socda gobolka Donbas ee bariga Ukraine. guddoomiyaha gobolka Luhansk ayaa sheegay in dagaal uu ka socdo waddooyinka magaalada Severodonetsk — oo ay ciidamada Ruushka inta badan qabsadeen — iyo sidoo kale in weerarro lagu qaaday magaalada deriska la ah ee Lysychansk.

Militariga Ukraine ayaa sheegay in Ruushka uu duqeynayo deegaanada dhaca magaalada Slovyansk ee gobolka Donestk.

Maamulka taageerada ka hela Ruushka ee ku sugan Donestk ayaa sheegay in ciidamada Ukraine ay halkaa gantaallo ku garaaceen.

Ruushka wuxuu mar kale gantaallo ku garaacay warshad saliidda sifeysa oo dhacda bartmaha magaalada warshadaha leh ee Kremenchuk.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post