1035 Views

Daawo:-Guddoomiye Filish”Dad aan aqaan oo dibadda ka imaan ayaa u dhintey Coronavirus”

Daawo:-Guddoomiye Filish”Dad aan aqaan oo dibadda ka imaan ayaa u dhintey Coronavirus”
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 9, 2020 –Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in Cudurka uu soo gaarey Soomaaliya,isla markaana ay u dhinteen dad uu yaqaano,kuwaas oo aan dibadda ka imaan.

 

Waxaa uu sheegay Guddoomiye Cumar Filish in Cudurka Conavirus uu yahay mid halis ah oo si fudu la isku qaadsiin karo,hayeeshee shacabku ay yihiin kuwo qaba feejignaa xoogan,kuwaas oo sheegaya in aan waxba ka jirin.

 

Waxaan ugu baaqayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Muqdisho kunool in ay xoojiyaan ka hortaga cudurka Covid-19 oo dhibaata adag kuhaya nolasha iyo horumarka Caalamka waxaana loo baahan yahay in si dhab ah loo fuliyo awaamiirta ay soo saarayaan dhaqaatiirta hey’adaha dowlada.

Posted by Omar Mohamud Mohamed Filish on Thursday, April 9, 2020

 

“Waxaan ugu baaqayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Muqdisho kunool in ay xoojiyaan ka hortaga cudurka Covid-19 oo dhibaata adag kuhaya nolasha iyo horumarka Caalamka,dad aan aqaano oo aan dibada ka imaan ayaa dalka gudihiisa ugu dhintey Cudurka oo la Aasay kuwana uu weli haayo ayuu yiri”Cumar Filish.

 

Hadalka guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa kusoo aadayaa xilli shalay la xaqiijiyey in qofkii ugu horeeyey Muqdisho uu Cudurka Coronavius ugu geeriyoodey.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment