555 Views

Shir looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Boosaaso

Shir looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Boosaaso
____________________________________________________________________________

Muqisho |QOLI Khamiis : December 16, 2021—Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa maanta oo khamiis ah gudoomiyey shir khamiiseedka ee saraakiisha booliiska gobolka bari.

Shirka ayaa looga hadlay amaanka guud ee gobolka bari iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xaaladaha amni, taliyaha ayaana saraakiisha ka xog wareystay xaaladihii ugu danbayey ee amaanka guud ee gobolka.

Shirka waxaa ka qayb galay Hogaan ku xigeenka CID Aadan Axmed Cali,Taliyaha qaybta booliiska Gobolka Bari G/sare Cabdiqaadir Jamac Diri,Taliye kuxigeenta qaybta Khaalid Maxamed Cabdiraxmaan iyo saraakiisha gobolka Bari.

Ugu danbayna taliyaha ayaa bogaadiyey amaanka guud ee gobolka iyo sida markasta ciidanka boolliiska ugu heegan yahiin suguda amaanka.

Shirkan ayaa kusoo aadaya xilli aan weli wax xal ah laga gaarin khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Saraakiisha Ciidamada PSF ee ka dhashay xilka qaadistii lagu sameeyay Agaasimaha Ciidanka PSF Maxamuud Cismaan Diyaano

Xafiiska Qaranimo Online |Mogdishu

_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post