894 Views

Axmed Madoobe oo xilkii ka qaaday Taliyeyaal kuwa kalena Magacaabay

Axmed Madoobe oo xilkii ka qaaday Taliyeyaal kuwa kalena Magacaabay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 17 2021–Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa isbadal ku sameeyay Taliyayaasha kala duwan ee Hay’adaha amniga Maamulka Jubaland.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa xilkii looga qaaday Taliyihii Hay’adda Nabadsugida Jubbaland, waxaana xilkaas loo Magacaabay Maxamed Axmed Sabriye oo horay u ahaa Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jubbaland.

Sidoo kale waxaa xilkii laga qaaday Talihii Ciidamada Booliska Jubbaland iyo kuxigeenkiisa, iyada oo Taliyaja Booliska Jubbaland loo Magacaabay Sareeyo Guuto Maxamed Cabdi Sheekh halka kuxigeenkiisa loo Magacaabay Gaashaanle Sare Maxamed Guuleed Xasan.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post