237 Views

Ciidanka Booliska Garoowe oo gacanta ku dhigay kooxo hubeysan oo ka ganacsada daroogada

Ciidanka Booliska Garoowe oo gacanta ku dhigay kooxo hubeysan oo ka ganacsada daroogada
____________________________________________________________________________

Axad:NOVEMBER 20, 2022

Ciidanka Booliska Puntland ayaa hawlgal qorsheysan ku qaaday kooxo ka ganacsada daroogada oo mudooyinkii dambe magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

Hawlgalka waxaa lagu qabtay saddex ka mid ah raggii maandooriyaha ka ganacsanayey, kuwaas oo labo ka mid ah dhaawacyo soo gaareen iyo hal mid oo nolosha lagu qabtay, hubkoodii iyo gaari ay ku wateen khamri waxayna dhamaantood ahaayeen Dabley hubaysan oo geysta falal amni darro.

Sidoo kale hawlgalku intii uu socday waxay dhaawacyo soo gaareen labo ruux oo midkood yahay Askari katirsan ciidamada booliska iyo Qof rayid ah oo ah Haweenay, waxaana haatan lagu dabiibayaa qaar ka mid ah goobaha caafimaadka.

War ka soo baxay Taliska Booliska ayaa lagu yiri “Saraakiisha Ciidanka Booliska Puntland waxay balanqaadayaan dhib kasta oo kayimaada xoojinta iyo sii socoshada hawlgalka lagu beegsanayo cid kasta oo ku lug leh amni darro iyo Ganacsiga daroogada halista, wuxuuna hawlgalka si xiriir ah habeen iyo maalin uga socon doonaa magaalada Garoowe illaa iyo inta laga gaarayo natiijo wanaagsan”

Office Nairoibi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post