333 Views

Qaramada Midoobay oo sheegtay inay haatan heleen ballanqaad buuxa oo ku saabsan lacagihii ay codsadeen

Qaramada Midoobay oo  sheegtay inay haatan heleen ballanqaad buuxa oo ku saabsan lacagihii ay codsadeen
____________________________________________________________________________

Talaado: SEPTEMBER 19, 2022

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay haatan heleen ballanqaad buuxa oo ku saabsan lacagihii ay codsadeen in lagu samatabixiyo markabka shidaal ee ku xumaaday xeebaha dalka Yemen, kaas oo ay saaran yihiin shidaal ama saliid ka badan 1 million oo foosto.

Lacagta la ururinayey ayaa la doonayaa in loo isticmaalo in shidaalka lagaga wareejiyo markabka, si aanu waxyeello u gaadhsiin badda iyo deegaankaba.

QM oo ka digtay masiibo weyn oo ka dhalan karta, markab shidaal sida oo ku xumaaday biyaha Badda Cas

Qaramada Midoobay ayaa haatan weli ku hawlan inay ku qanciso dalalka iyo hay’adaha ku deeqay lacagta, inay si dhakhso ah u ooffiyaan ballamaha ay qaadeen oo ah, in la bixiyo illaa $75 milyan oo dollar oo ah hawlgalka wejiga hore.

Afhayeenka u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magcaabo Russel Geekie ayaa ka dayriyey xaaladda Markabka, isaga oo sheegay in dib u dhac kasta oo ku yimaadda lacagaha lagu samatabixinayo markabkan shidaal ee ku xumaaday Badda Cas, inay keenayso in markabkani uu daadiyo saliidda saaran.

Markabka FSO Safer ayay saaran tahay saliid afar laab ka badan, saliidii ku daadatay xeebaha Alaska sannadkii 1989-kii.

AP

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post