909 Views

Suuriya oo soo dhaweysay codsigii Lubnaan ee ahaa in korontada laga soo xiriiriyo suuriya

Suuriya oo soo dhaweysay codsigii Lubnaan ee ahaa in korontada laga soo xiriiriyo suuriya
____________________________________________________________________________

Sabti: September 4, 2021

 

Suuriya ayaa lagu soo warramayaa inay soo dhaweysay codsigii Lubnaan ee ahaa in korontada laga soo xiriiriyo suuriya, heshiiskan ayaa looga gol-leeyahay in wax looga qabto koronto la’aanta ka taagan Lubnaan.

Qorshahaan ayaa laga wada xaajooday ka dib markii wafdi ka socday Lubnaan uu gaaray magaalada Dimishiq. Kulankaas ayaa ahaa kii ugu muhiimsanaa oo labada dal dhexmara muddo sanada ah.

Mashuuracaan ayaa waxaa ka mid ah isticmaalka gaaska Masar si Urudun koronta looga dhaliyo ka dibna la sii dhexmariyo Suuriya ilaa Lubnaan.

Koronta yarida ba’an ee ka taagan Lubnaan ayaa waxay horseedday dhibaatooyin curyaamiyay adeegga aasaasiga ah.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post