114 Views

War-saxaafadeed ka soo baxay beesha caalamka oo loogu looga hadlay xaalada magaalada Laascaanood oo ciidanka Somalilanday ku dileen dad shacab ah

War-saxaafadeed ka soo baxay beesha caalamka oo  loogu looga hadlay xaalada magaalada Laascaanood oo ciidanka Somalilanday ku dileen dad shacab ah
____________________________________________________________________________

 Isniin: January 2023

War-saxaafadeed ka soo baxay beesha caalamka ayaa loogu looga hadlay xaalada magaalada Laascaanood oo ciidanka Somalilanday ku dileen dad shacab ah, kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafay dhigayey kacdoon looga soo horjeedo Nidaamka Somaliland.

 “Saaxiibada Beesha caalamka ayaa ka walaacsan rabshadaha Laascaanood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah. Ka hortagga rabshadaha iyo xaqiijinta ilaalinta dadka rayidka ah ayaa ugu muhiimsan,” ayaa lagu yidhi bayaankaan.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan ku baaqaynaa xasillooni iyo is-xakameyn. Xiisadaha waa in lagu xalliyaa isdajin iyo wadahadal.”

War-saxafadeedkaan waxaa si wadajir ah u soo saaray ururrada iyo wadamada kala ah: Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Canada, Shiinaha, Denmark, Masar, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.

Si kastaba dad badan ayaa Somaliland ku dishay  Laascaanood maalmihii lasoo dhaafay, waxaana xusid mudan in Xiisada magaaladaas ay ka dhalatay bulshada oo ka gilgilatay dilalka qorshaysan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post