1233 Views

SAWIRO:-Puntland oo sheegtay inay fashilisay qaraxyo Miino

SAWIRO:-Puntland oo sheegtay inay fashilisay qaraxyo Miino
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 18, 2019 | QOL |   –Ciidamada Amniga Puntland ee Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay qaraxyo miinooyin ah kasoo saareen Bartamaha Magaalada boosaaso oo lagu Aasay,kadib howlgal ay ka sameeyeen Magaaladaas.

 

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland ee loo yaqaano PSF-ta ayaa la sheegay in qarax koowaad kasoo saareen meel u dhow Xarunta Shirkadda Golis oo lagu Aasay halka qaraxa labaad laga soo saarey aaga xaafada uu ku yaalo Hotel Jubba ee Magaalada Boosaaso.

 

 

 

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada ay si naabdgeliyo ah u qarxiyeen miinooyinka,iyada oo aan cidna waxba ku noqon sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland.

 

Intii uu howlgalka socday ayaa waxaa ay ciidamada amniga xireen waddooyinka magaalada,waxaana hakad lagaliyay isku socodkii dadka iyo gaadiidka intaba.

 

Saraakiisha Ciidamada PSF-ta ayaa waxaa ay sheegen in qaraxaydaan miino oo labo ahaa ay Goobtaasi geliyeen Kooxaha kasoo horjeeda oo ay ula jeedaan Al-Shabaab iyo Daacish,isla markaana ay doonayeen inay dadka ku dhibaateeyaan sida ay hadalka u dhigeen.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay qaraxyo miino oo qaarkood ay ku geeriyoodeen saraakil ka tirsan Ciidamada Puntland,kuwaas oo ay sheegteen Al-Shabaab iyo Daacish.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment