1005 Views

LinkedIn: “Waxaan si kaftan ah u jabsaday xogta 700 oo milyan oo qof”

LinkedIn: “Waxaan si kaftan ah u jabsaday xogta 700 oo milyan oo qof”
____________________________________________________________________________

Khamiis: July 15 2021

Xog intee dhan ayaad bogagga baraha bulshada ay ku xiriirto soo dhigtaa?

Sida Magaca, Halka aad ku nooshahay, Da’daada, Shaqadaada, Guurka, Sawirka?

Xogaha ay bulshadu inteeda badan baraha bulshada ku wadaagto noocooda iyo tiradooduba wey ku kala duwan yihiin.

Balse dadka badankood waxay aaminsan yihiin in waxkasta oo xog ah aad boggaada soo dhigto in ay yihiin kuwa u furan qof kasta, ayna cid walba heli karto

Haddaba maxaad dareemeysaa haddii xogtaadi dhameyd ay gacanta u galaan dadka xogaha jabsada ka dibna ay ku soo bandhigaan suuqyada xogaha la jabsaday lagu kala iibsado oo malaayiin lacag ahna ay ka sameynayaan, kana iibiyaan budhcadda internet-ka?

Haddaba xogahaasi la jabsaday waxaa ka mid ah tan uu ‘Tom Liner’ uu bishi hore sameeyey oo uu sheegay ‘inuu iska baashaal ah u sameeyay’, uuna ku jabsaday xogta 700 oo malyan oo isticmaasho barta LinkedIn, kuwaas oo caalamka ku kala nool, xogtana lagu kala iibsado ku dhawaad $5,000 oo doolar middiiba.

Dhacdadan iyo kuwa kale ee la mid ah ee la xiriira jabsashada xogaha baraha bulshada waxaa kadhalatay cabsi laga qabo xogaha aan baraha bulshada kula wadaagno in aysan ahayn kuwa ilaashan ama ammaan ah.

Saacadda maxalliga ee UK markay ahayd 8:57, ayey farriin ku wadaageen gole ay leeyihiin kooxaha caalamiga ee xogaha jabsada.

Saacaddaasina waa mid kooxaha wax jabsada muhiim u ah oo ay wax badan wadaagaan inkasta oo aan wax xog ah laga haynin xilliga ay kooxaha burcadda u tahay wakhtigaas, cidda la baxday ama isugu yeerta magaca ‘Tom Liner’, iyo halka uu joogaba.

“Hayeh, waxaan hayaa 700 oo malyan oo xog oo aan 2021 ka jabsaday keydka LinkedIn,” ayuu soo qoray.

Waxaana xogtaas lagu soo lifaaqay ‘Link’ ka mid ah xogahaasi malaayiinta ee la jabsaday si ay caddeyn ugu noqoto kooxaha xogahaasi daneynaya ama doonaya inay iibsadaan, si ay xiriir gooni ah ula soo sameeyaan cidda sheegtay inay xogtaasi gacanta ku hayso.

Macamiisha faraxsan

Sida la fahmi karo iibku xogahaasi wuxuu farxad weyn ku abuuraa kooxaha caalamiga ee xogaha jabsada. Tom wuxuu ii sheegayaa inuu xogta uu hayo “macaamiisha faraxsan’ uu ka iibinayo ku dhawaad $ 5,000 oo doolar middiiba.

Balse cidda sheegtay iney xogtaasi hayso, macamiisha uu ka iibinayo iyo waxa ay ka yeelayaan xogtan ay iibsanayaan ma sheegin, waxaase loo badinayaa dadka xogta iibsanaya in ay xogahaas u adeegsanayaan xog jabsasho kale oo dheeraad ah iyo kala shaadheynta dadka.

Waxay sidoo kale amniga Internet-ka iyo xorriyadda xogtaba ay keentay in laga walwalo xog jabsashada dunida ku soo badaneyso ee aan weli xal buuxa loo helin.

Sida caadiga ah xogahan la jabsaday intooda badan waxaa si fudud looga helay bogaggaa shaqsiyaadka ay ku leeyihiin baraha bulshada.

Inkasta oo wakhti badan ay kooxaha xogaha jabsada ku qaadan lahayd, haddana si la yaab leh waxaa sannadkan oo keli ah dhacay seddex dhacdo oo waaweyn ‘oo xogaha lagu jabsaday’:

Xogta Facebook waxaa jabsaday kooxda la magac baxday: ‘Tom Liner’.

Muddo seddex toddobaad ayaan Tom farriimo isku dhaafsaneynay Telegram. Farriimaha qaarkood ama taleefannada aan la qaban, waxay mararka qaar soo dhacaan saacadaha saqda dhexe halka qaarna ay saacadaha shaqada soo dhacaan.

Waxa keli ah ee noolashiisa caadiga ah laga ogaanayo waxay tahay in mararka qaar uu kuu sheegayo inuu taleefan ku hadli karin maadaamaa ay xaaskiisa jiifto, isaguna maalin ayey u tahay oo wuxuu caadeystay ama ‘hiwaayad’ u noqotay xogaha inuu jabsado.

‘Shaqo aad u adag’

 

Tom wuxuu ii shegay in xogta uu ka jabsaday keydka LinkedIn uu u adeegsaday farsmo la mid ah tii uu u adeegsaday xogti uu ka jabsaday Facebook

“Dhowr bilood ayey igu qaadatay inaa xogtaas u dhaco. Waxay ahayd mid aad u adag. Marka hore waxaan u dhacay xogta API ee LinkedIn.

“Haddiise aad hal mar dirto codsiyo badan oo aad ku codsaneyso xogta dadka , waxaa kaa hor istaagaya nidaamka ay barnaamijyadaasi ku shaqeeyaan,” ayuu yiri.

API waxay u taagan tahay ‘Application Programming Interface’, inta badanna baraha bulshada badankooda waxay iibiyaan API, si shirkadaha kale ay iskaashi dhanka xogaha ah ay u yeehsaan, gaar ahaanna dhinacyada suuq-geynta iyo soo saarista App cusub.

Kooxda Privacy Shark oo marki ugu horreysay soo bandhigtay inay hayso xog fara badan oo ay iibineyso, marki qiimeyn lagu sameeyey waxay ka koobnaayeen magacda dadka oo dhammeystiran, cinwaannada emailka, jinsiyadda, lambarka taleefanka iyo shaqooyinkooda.

‘Ma ahan Jabin’

LinkedIn waxay sheegtay caddeymaheeda inay muujinayaan in Tom Liner uu jabsashada xogtooda uusan u adeegsanin API, balse loo adeegsaday xogaha laga helay LinkedIn iyo ilaha kale ee xogta laga helo.

Sida oo kale Facebook xog la sheegay in laga jabsaday bisha April waxay sheegtay in aysan ahayn mid cusub oo ay tahay jabsasho hore oo dib loo shaaciyey.

Si kastaba ha ahaatee, dhaqaalaha ay kooxaha xogaha jabsada ka sameeyaan xogta ay jabsadaan waxay walaac xooggan ku abuurtay khubarada dhinaca internet-ka.

‘Xogo faahfaahsan oo la xaday’

Maamulaha guud ahna aasaasaha laanta sirdoonka ee SOS, Ami Hadzipasic wuxuu dabagal ku sameeyay xogaha ay har iyo habeen baahiyaan kooxaha budhacadda ee xogaha u dhaca, isla markii ay faafiyeen wararka ku saabsan 700 oo malyan ee keydka macluumaadka ‘LinkedIn’.

Isaga iyo kooxda SOS la shaqeysaba waxay billaabeen inay xogtaasi falanqeeyaan.

“Xogaha faahfaahsan ee la jabsaday waxaa ka mid ah halka ay ku sugan yihiin dadka xogtaas leh, taleefoonnadooda gaarka ah iyo cinwannadooda emailka.”

“Dadka badankood waxaa layaab ku noqon doonta in ay jiraan macluumaad badan oo ay hayaan adeegyadan kobcinta API,” ayuu yiri.

Tom Liner wuxuu sheegay inuu ogyahay in keydkiisa macluumaadka ay u badan tahay in loo adeegsado weerarro xun.

Wuxuu yidhi “way dhibaysaa balse ma sheegi karo sababta uu wali u sii wado hawlgallada xog jabsashada.”

Wuxuu sheegay inkooxaha iibsanaya xogta LinkedIn u isticmaali karaan inay ku billaabaan ololeyaal bartilmaameed u dajisan, weliba bartilmaameedyo heer sare ah tusaale ahaan sida madaxda shirkadaha.

Waxa kale oo uu sheegay in ay qiimo leedahay tiro aad u badan oo email-lada kuwooda shaqeynaya oo ku jira keydka macluumaadka oo loo isticmaali karo in lagu diro ololeyaal fara badan oo been abuur ah.

‘Xogta waa mid guud’

 

Balse Trony Hunt, oo ah khabiir dhinaca ammaanka Internet-ka oo inta badan ka shaqeeya darsidda macluumaadka ay xambaarsan yihiin xogta laga jabsaday shabakaddiisa haveibeenpwned.com, wuxuu sheegay in uusan ka walwaleynin xog jabsashada maadaamaa loo baahan yahay in la aqbalo macluumaadka ay bulshada baraha bulshada ku xiriirto wadaagaan.

“Inta badan xogaha waa kuwa bulshadu wadaagtay oo aan qarsoonayen marka jabsasho lagu tilmaami karo, waxaase habboon bulshada iney xogtooda khaaska ah aysan baraha bulshada la wadaagin”.

Troy iyo Amir waxay isku raacsan yihiin in, si loo ilaaliyo baraanaamijyada API, loo baahan yahay in barnaamijyadaas dib u habeyn lagu sameeyo balse dhacdooyinkan aa la caddeyn karin.

“Ma diidani mowqifka Facebook iyo kuwa kale, laakiin waxaan dareemayaa ‘iney dhibtu taa ahayn’ oo ay tahay in ay macquul tahay in farsamo ahaan ay sax tahay, oo la la’yahay dareenka ah sida qiimaha badan ee xogahan ay u leeyihiin, waxaana laga yaabaa in ay hoos u dhigayaan keydka macluumaadkooda.”

Falalka Tom Liner waxay u badan tahay in lagu soo dacweeyo jabsashada xogaha shabakadaha baraha bulshada iyo hantida caqliga ama ku xadgudubka xuquuqda lahaanshaha.Laakiin, markii la weydiiyay inuu ka walwalsan yahay in la xiro, wuxuu yiri “qofna ma awoodi doono inuu helo kooxaha waxa jabsada waxa ay yihiin iyo halka ay ku sugan yihiin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post