960 Views

Mareykanka oo sheegay in ay la shaqeyn doonaan madaxweynaha Jabuuti Geelle kadib guushii uu dhawaan ka gaaray doorashadii ka dhacday dalkaasi.

Mareykanka oo  sheegay in ay la  shaqeyn doonaan madaxweynaha Jabuuti Geelle kadib guushii uu dhawaan ka gaaray doorashadii ka dhacday dalkaasi.
____________________________________________________________________________

April 13-4-2021

Mareykanka ayaa sheegay in uu lasii shaqeyn doono madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle kadib guushii uu dhawaan ka gaaray doorashadii ka dhacday halkaas.

Wuxuu sidoo kale u mahadceliyay kormeerayaashii doorashada Jabuuti balse wuxuu ugu baaqay xukuumadda Jabuuti inay xoojiso arrimaha dimuqraadiyadda iyo hannaanka ku aadan arrintaas oo ay soo jeediyeen kormeerayaashii doorashada.

“Mareykanka wuxuu la shaqeyn doonaa dowladda madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka Jabuuti si loo horumariyo danaha inaga dhexeeyo” ayaa lagu yiroi war qoraal ah oo lasoo dhigay bogga wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Taariikhda Ismaaciil Cumar Geelle

Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu sanadkii 1948 ku dhashay magaalada Diridhaba ee Dowlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya.

Markii ugu horreysay ee uu madaxweyne ka noqday Jabuuti waxay ahayd sanadkii 1999, markaas oo xilka uu kala wareegay Xasan Guuleed Abtidoon oo ay qaraabo yihiin, kaas oo dalka xukumayay tan iyo intii ay Jabuuti xornimada qaadatay sanadkii 1977.

Geelle waxaa mar kale dib loo doortay sanadihii 2005, 2011 iyo 2016, iyo sanadkan 2021.

Madaxweynaha xaaskiisa waa Khadra Maxamuud Xayd, waxayna isku dhaleen afar carruur ah, labo wiil iyo labo gabadh.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post