462 Views

Ciidamadii Dhawaan Beledweyne lageeyay oo Xalay xirtay Qeeybo kamid ah Beledweyne

Ciidamadii Dhawaan Beledweyne lageeyay oo Xalay xirtay Qeeybo kamid ah Beledweyne
____________________________________________________________________________


Axad: February 6, 2022

Ciidamada Gorgor iyo kuwa Booliiska Haramcad ayaa xalay gabi ahaanba xadiday dhaq dhaqaaqa dadka ee magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ciidamada ayaa gabiahaanba Joojiyay isku socodka dadka iyo gawaaridda waxa ayna dadka ku amrayeen in aysan guryahooda kasoo bixin sidda uu shegay mid kamid ah dadka degaanka oo warbaahinta lahadlay.

In kastoo aan lacadeeyn Xiritaanka Qeeybo kamid ah Magaalada Beladweyne ay xiryeen Ciidamada Gor-Gor iyo Haramcad, Hadana Waxaa soo baxayay Xoggo sheegayo In Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uu halkaasi saagga ku wajahanyahay.

Dadka degaan ayaa aad uga soo horjeeda Maamulka Madaxweyne Cali Guudlaawe, waxaasa la ogaan doonaa sida ay berri noqon doonto xaalada magaalada Baladweyne oo diidmo maamul uu ka jiro.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post