1110 Views

Maxamed bin Salmaan oo sheegay in dowladdiisu dooneyso xiriir la yeelato Iiraan.

Maxamed bin Salmaan oo  sheegay in dowladdiisu dooneyso xiriir la yeelato Iiraan.
____________________________________________________________________________

April 28-2021

Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa sheegay in dowladdiisu dooneyso xiriir wanaagsan oo kala dhaxeeya dalka ay sida weyn isaga soo horjeedaan ee Iiraan.

Bin Salmaan ayaa telefishinka Al Carabiya u sheegay in waddankiisa uu u baahan yahay Iiraan si ay uga caawiso horumarinta gobolka Bariga Dhexe.

Laakiin wuxuu hoosta ka xariiqay in Sacuudiga uu dhibaato ku qabo ficillada dhinaca khaldan u jiheysan ee Iiraan, isagoo tusaale ka dhigay barnaamijkeeda nuclear-ka, gantaallada ay riddo iyo caawinaadda ay siiso Mintidiinta.

Wuxuu intaas ku daray in Sacuudiga uu kala shaqeynayo dalalka ay xulafada yihiin ee gobolka iyo caalamka “sidii xal loogu celi lahaa dhibaatooyinkaas”.

Hadalka amiirka ayaa yimid maalmo kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in saraakiil sar sare oo ka kala socda Sacuudiga iyo Iiraan ay yeesheen wadahadallo qarsoodi ah oo ka dhacay dalka Ciraaq, kuwaasoo ay ku doonayeen in ay dib ugu soo celiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post