516 Views

Mike Pence “ Madaxweyne Trump wuu khaldan yahay, xaqna uma laheen inaan hor istaago doorashada

Mike Pence  “ Madaxweyne Trump wuu khaldan yahay, xaqna uma laheen inaan hor istaago doorashada
____________________________________________________________________________


Sabti: February 5, 2022

Mike Pence, ayaa sheegay in Donald Trump uu ku khaldanaa inuu isku dayo inuu hor istaago guushii madaxweyne Joe Biden uu ka gaaray doorashadii madaxtinimada ee 2020-kii.

Mr Trump ayaa dhawaan ku celiyay eedaha aanay waxba ka jirin ee uu hore u sheegi jiray, ee ahaa in doorashada lagu shubtay.

Afar qof ayaa ku dhintay intii ay rabshaduhu socdeen, waxaana maalintii xigtay ku dhintay askari boolis ah isagoo difaacaya dhismaha.

Isagoo ka hadlayay magaalada Orlando ee gobolka Florida, Pence ayaa ka jawaabayay hadaladii Mr Trump ee Axadii ee ahaa inuu ka hor istaagi karay doorashada hadii uu rabo. Trump ayaa sheegay in doorashada uu xaday madaxweyne Biden

“Madaxweyne Trump wuu khaldan yahay, xaqna uma laheen inaan hor istaago doorashada, go’aanka madaxweynanimada waxaa iska leh dadka Mareykanka ah, shacabka Mareykanka oo keliya” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenkii hore Mike Pence.

Pence ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne ku xigeenka haatan aysan xaq u yeelan doonin inay natiijada doorashada ka hor timaaddo marka aan ka badino doorashada soo socota ee sannadka 2024-ka.

Dhanka kale Xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka ayaa dhaleeceeyay laba xubnood oo ka tirsan Congress-ka ka dib markii ay ka qaybqaateen baaritaanka weerarkii dhismaha Capitol ee ay sannadkii hore ee ay ku keceen taageeraysha Trump.

Guddigooda maamulku ayaa waxay Liz Cheney iyo Adam Kinzinger ku eedeeyeen inay gacan ka geysteen cadaadinta dad ku hawlan waxa ay ugu yeereen hadal siyaasadeed oo sharci ah.

Dadweyne ayaa xoog ku galay Capitol xilli sharci-dajiyayaashu ay kulmayeen si ay u xaqiijiyaan in madaxweyne Joe Biden uu ku guuleystay codbixintii 6-dii Janaayo ee sannadkii hore. Mike Pence ayaa ku gacan seyray hadaladii Donald Trump ee ahaa in sanadkii hore uu ka joojin lahaa Joe Biden inuu noqdo madaxweyne.

Bishii May ee la soo dhaafay, Congress-ka Maraykanka ayaa u codeeyay in Liz Cheney laga qaado jagada hoggaanka, ka dib markii dhaleeceysay Donald Trump taas oo ay sheegeen in xisbiga ay ka hor istaagtay inuu diiradda saaro doorashooyinka soo socda.

Sidee ayuu u dhacay weerarkii Aqalka Koongareeska?

Waxyar kadib 13:00 waqtiga maxaliga ah (18:00 GMT) nidaamka digniinta booliiska ee Capitol ayaa Email u diray xildhibaannada iyo shaqaalahooda iyagoo ku amraya inay ka fogaadaan daaqadaha iyo albaabada dibada cabsi jirta awgeed. Qofkasta oo bannaanka ka joogana waxaa la faray inuu raadsado gabbaad.

Waqtigaas, nin watay gaadhi buluug ah ayaa gaariga ku soo maqiiqay labo sarkaal oo taagnaa Waqooyiga Barricade, sida ay booliisku sheegeen.

Wuu ka baxay gaariga wuxuuna u cararay dhanka saraakiisha – ugu yaraan midkood toogtay tuhmanaha. Saraakiishii la waxyeelleeyey kadib waxaa loo qaaday isbitaaka.

Muuqaalo goobta laga qaaday ayaa muujinayay diyaarad Helicopter ah oo hawada sare ku duuleysa iyo wax umuuqday labo qof oo sariirta saaran oo lagu daad gureynayo gawadhrida gurmadka deg degga ah

Booliska ayaa sheegay in tuhmanaha uu u dhintay dhaawicii soo gaaray 13:30 waqtiga maxaliga ah. Chief Contee ayaa u sheegay suxufiyiinta in qofka la tuhunsan yahay mid keli ku ahaa hawshan.

Xafiiska FBI-da ee Washington Field ayaa sheegay inuu taageero siinayo booliska Capitol.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post