348 Views

Khasaare ka dhashay dab xooggan oo ka kacay suuqa ugu weyn magaalada Wajeer oo soo kordhaya

Khasaare ka dhashay dab xooggan oo ka kacay suuqa ugu weyn magaalada Wajeer oo soo kordhaya
____________________________________________________________________________

Isniin: July 11, 2022

 Wararka ka imanaya magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa sheegaya in xalay dab xooggan uu ka kacay suuqa ugu weyn magaalada.

Dabka oo sida ay ganacsatadu sheegeen bilowday xilli dambe oo xalay ah, ayaanan la ogeyn sida dhabta ah waxa sababay.

Cabdulrasaaq Ibraahim oo kamid ah guddiga ganacsatada suuqa, ayaa ku tilmaamey dabka oo xoog lahaa dartiis, in qeybihii kale ee dariska la ahaa suuqa alaabtii laga saarey.

Ganacsade Cabdulrasaaq ayaa sidoo kale sheegay in suuqa oo ka kooban laba qeybood oo kala ah Khudaarta iyo Dharka, ay haatan waxyeeladu ku badan tahay dhanka Dharka.

Wuxuu intaa ku darey Cabulrasaaq inaan la qiyaasi Karin baaxadda khasaaraha uu geystay dabka, maadaama dhinacyada uu waxyeelada u geystay ay aad u balaaran yihiin.

Office Nairobi  Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post