927 Views

Ciidamada Ukraine oo dib u qabsaday aagga magaalada caasimadda ah ee Kyiv

Ciidamada Ukraine oo dib u qabsaday aagga magaalada caasimadda ah ee Kyiv
____________________________________________________________________________


Axad: April 3, 2022

Ukraine ayaa Sabtidii sheegtay in ciidamadeeda ay dib ula wareegeen dhammaan deegaannada ku hareereysan magaalada Kyiv, taasoo uga dhigan in ay hadda maamulaan guud ahaan gobolka ay ku taallo caasimaddu.

Tani waxay timid kadib marki ay ciidamada soo duulay ee Ruushka ay aaggaasi isaga baxeen si ay isugu urursadaan deegaanada bari ee Ukraine. Madaxweynaha Ukraine, Zelenskiy ayaa ku eedeeyay ciidamada Ruushka in meelaha ay faarujiyeen ay uga tageen miinooyin.

Sidoo kale meydad badan iyo burburka guryaha soo dumay ayaa loogu tagay aagga ay ka baxeen ciidanka Ruushka.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in waaxda gurmadka degdega ah ee Ukraine ay sheegtay in hal maalin gudaheed inka badan 1,500 oo walxaha qarxa laga helay tuulada Dmytrivka ee galbeedka magaalada Kyiv.

Wariyeyaasha ayaa kusoo warramaya in ciidamada Ukraine ay maalmihii lasoo dhaafay qabsadeen in ka badan 30 tuullo oo ku yaalla gobolka ay ka tirsantahay caasimadda ee Kiyiv.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post