483 Views

Duqa magaalada Ottowa ee dalka Kanada oo sheegay in Xaalada faraha ay kabaxday

Duqa magaalada Ottowa ee dalka Kanada  oo sheegay in  Xaalada faraha ay kabaxday
____________________________________________________________________________

 
isniin: February 7, 2022

Duqa magaalada Ottowa ayaa sheegay in Xaalada magaaladdaasi ay faraha ka baxday kadib dibad baxyo isbuucyo ka socday magaaladaasi oo ay dhigayeen dadka ka shaqeeyo gawaaridda xamuulka ah oo ay uga soo hor jeedaan xannibaadaha COVID 19 ee lagu soo rogay.

Duqa caasimadda Kanada, Ottawa, wuxuu ku dhawaaqay xaalad degdeg ah,mudaaharaadyada ayuu sheegay in ay khatar ku yihiin ammaanka dadka deegaanka.

Gaadiidlayda ayaa hakiyay isu socodka magaalada , iyagoo baabuur iyo teendhooyin ay ka dhiseen gudaha wadooyinka waa weyn ay curyaamiyeen dhaqdaqaaqa caasimada Ottowa ee dalka Kanada.

Banaabaxayadan oo loogu magac daray “Kolonyada Xorriyadda” ayaa ah kuwo looga soo hor jeedo shuruudaha dowladda ee ah in gaadiidleyda ay ku qasban yihiin in laga tallaalo cudurka Covid19. Magaaladaasi ayaa waxaa kunool Somali badan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post