1368 Views

Waan waan laga dhex wado khilaafka madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday iyo Rooble

Waan waan laga dhex wado khilaafka madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday iyo Rooble
____________________________________________________________________________

Jimco: September 10, 2021

 Wararka ka imaanaya Xarunta madaxtooyada iyo ka soo hor jeedkeeda oo uu dagan Yahay Rooble waxaa laga soo sheegayaa saxmad aad u xoogan.

Wararka ayaa sheegaya in Qoor Qoor iyo laftagreen oo shalay soo gaaray muqdisho ay xalay ilaa shalay gabaldhicii ay wadeen waan waan la iskugu soo dhawaynaayo madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa labada dhinac ku qanciyey inaysan qaadin tallaabo kale oo xiisadda uga sii dari karta isla markaasna waxayna labada dhinac soo gudbiyeen tabashada ay qabaan.

Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Qoor Qoor iyo Laftagareen u sheegay inuu kaliya ku qanci karo in xilka lagu wareejiyo Bashiir Goobe oo uu u magacaabay Agaasimaha Hey’adda NISA iyo in kiiska Ikraan Tahliil cadaaladda la hor geeyo.

Sidoo kale, Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dooday in Rooble uu burburinayo heykalka dowladnimo, wuxuuna sheegay in Rooble ay u suurta gashay wixii uu rabay ee ahaa in Fahad laga qaado xilka hadda wixii ka dambeeyana uusan garaneyn ujeedada Rooble, wuxuuna sheegay in Kiiska Ikraan Tahliil loo daayo hey’adaha cadaaladda. about:blank

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post