1332 Views

Ciidamo taabacsan Ahlu Sunna Waljamaaca oo la wareegay magaalada Guriceel.

Ciidamo taabacsan Ahlu Sunna Waljamaaca oo la wareegay  magaalada Guriceel.
____________________________________________________________________________

Jimco: October 1, 2021

Wararka ka imaanaya  Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca ay la wareegeen magaalada.

Ciidamada Ahlu Sunna ee la wareegay Magaalada Guriceel ayaa la sheegay inay ka yimaadeen dhanka deegaanka Godwiil oo ay saakay soo gaareen.

Wararka ayaa sheegaya in wax dagaal ah uusan ka dhicin  magaaladaas, oo ay si Nabad ah kula wareegeen.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa gudaha u galay dhammaan xarumaha kala duwan ee Magaalada sida Saldhigga Booliska iyo Xarumaha Maamulka .

Sidoo kale Madaxda Sare ee Maamulka Galmudug & saraakiisha kala duwan ee Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug weli kama hadlin tallaabadaan Ciidamada Ahlusunna ay kula wareegeen degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post