1170 Views

Qaraxyo Laga Maqlay Libya Iyo Garoonkii Diyaaradaha Tripoli Oo La Xiray

Qaraxyo Laga Maqlay Libya Iyo Garoonkii Diyaaradaha Tripoli Oo La Xiray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 21, 2019 –Dhowr duqeymo Diyaaradeed iyo qaraxyo ayaa la sheegay inay saqdii dhexe xalay ruxeen magaalladda Tripoli, iyadoo la maqlayey guuxa Diyaaradeed, ka hor intaysan dhicin duqeymahaasi.

Ciiddanka Dowladda ay QM aqoonsan tahay ayaa la sheegay inay Sawaariikhda Lidka Diyaaradaha u adeegsadeen, si ay isaga caabiyaan Diyaaradaha weerarka soo qaaday oo ay leeyihiin Ciiddanka daacadda u ah Jeneral Khaliifa Xaftar.

 

Dadka deegaanka waxay tiriyeen dhowr duqeyn gantaal, oo mid ka mid ah u muuqday inuu ku habsaday Xero ay leeyihiin Ciiddanka Dowladda oo ku taalla Degmadda Sabaa ee Koonfurta Tripoli.

Dhinaca kale, Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee magaalladda Tripoli ayaa la sheegay in albaabadda loo laabay, sababo dhinaca Ammaanka.

Qoraal la soo dhigay Barta Twitterka ee Graoonka Maciitiqah ayaa lagu sheegay in sababo dhanka ammaanka loo xiray Garoonkaasi, oo ahaa kan keliya ee Caalamiga ee ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Tripoli.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment