771 Views

Ra’iisul Wasaare Kheyre & Xubno kale oo gaaray Garoowe

Ra’iisul Wasaare Kheyre & Xubno kale oo gaaray Garoowe
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 16  2020–Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal,kuwaas oo ka yimid dhinaca Magaalada Dhuuamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Garoowe kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi, Xubno kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada, Jubbaland, Galmudug & Puntland,Xubno ka tirsan labada Gole ee Puntland iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Xubnaha la socda ayaa waxaa ay Magaalada Garoowe uga qyeb-geli doonaan Aas qaran oo halkaasi loogu sameynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax,kaas oo dhawaan ku geeriyooday Turkiga Maantana Muqdisho lagula dukaday Salaada Janaasada.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Garoowe waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda sare ee Puntland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Garoowe.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post