294 Views

Aqalka Cad oo soo dhaweeyay hadal kasoo yeeray Maleeshiyaadka TPLF

Aqalka Cad oo soo dhaweeyay hadal kasoo yeeray Maleeshiyaadka  TPLF
____________________________________________________________________________

Talaado: SEPTEMBER 13, 2022

Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ayaa Isniintii sheegay inay soo dhaweynayaan hadal kasoo yeeray ciidamada ku sugan waqooyiga gobolka Tigray ee dalka Itoobiya oo sheegay inay aqbali doonaan geeddi-socod nabadeed oo uu hoggaamiyo Midowga Afrika.

“Waxaa la joogaa waqtigii labada dhinac ay joojin lahaayeen dagaalka oo ay u soo jeesan lahaayeen wadahadal, si ay u xalliyaan khilaafkooda,” ayay tiri afhayeenka Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre oo suxufiyiinta kula hadashay diyaaradda Air Force One.

Waxay sheegtay in Itoobiya ay tahay inay “ka faa’iidaysato xilligan si ay nabadda fursad u siiso” iyo sidoo kale in “Eritrea iyo kuwa kaleba inay tahay inay ka fogaadaan colaadda Itoobiya.”

Xoogagga TPLF ee dalka Itoobiya, oo dagaal kula jira dowladda dhexe muddo ku dhow laba sano, ayaa Axaddii sheegay inay diyaar u yihiin xabbad-joojin ayna aqbali doonaan geeddi-socod nabadeed oo Midowga Afrika uu hoggaaminayo.

“Waxaan diyaar u nahay inaan si degdeg ah oo wadajir ah u joojino dagaalka,” ayay ciidamada Tigreegu ku sheegeen warsaxaafadeedkoodaa.

Reuters.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post