765 Views

Garbahaarey oo laga dhigay Banaanbax looga soo hor jeedo duqeymaha Kenya.

Garbahaarey oo laga dhigay  Banaanbax looga soo hor jeedo duqeymaha  Kenya.
____________________________________________________________________________

June 14 2021

Wararka ka imaanaya Magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa sheegaya in  manta halkaas ay ka socoto  dibad-bax ballaaran oo looga soo horjeedo duqeymaha ka dhanka ah dadka rayidka ah ee ay gobolkaasi ka fuliyaan diyaaradaha dagaalka Kenya.

Dibad-baxani oo uu soo qaban-qaabiyey maamulka gobolka ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa ku qeylinayey  arayo ka dhan ah dowladda Kenya iyo maamulka Axmed Madoobe, sida Kenya ha dhacdo, daba-dhilifka ha dhaco iyo erayo kale.

Sidoo kale Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo ee ay magacowday dowladda Soomaaliya Axmed Buulle Gareed oo madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay xasuuq ka wado gobolka Gedo, isla-markaana loo baahan-yahay in laga hortego dhibaatooyinka ay waddo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post