786 Views

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo AMISOM kala hadlay Amniga doorashada

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo AMISOM kala hadlay Amniga doorashada
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 30, 2021 —Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Sha eelle Cali Guuaawe Xuseen ayaa waxaa Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle uu kula kulmay ku -xigeenka madaxa howlgalada ee Burundi, Major Tuyisenge Jean iyo Saraakiil kale.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo dardar gelin lajaa howlaha la xiriira doorashooyinka Xildbibaannada Aqalka Sare ee dhawaan ka bilaabanaya Magaalada Jowhar iyo doorka ay ku yeelanayaan Ciidamada AMISOM.

Saraakiisha ka socotay Ciidamada AMISOM oo uu horkacayay kulmay ku -xigeenka madaxa howlgalada ee Burundi, Major Tuyisenge Jean ayaa sheegay in Ciidankooda ay siweyn uga qeyb qaadan doonaan sugida Amniga doorashooyinka.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shaeelle Cali Guuaawe Xuseen ayaa ayaa bogaadiyay doorka Ciidanka Burundi ee AMISOM ee ku aaddan Nabadgelyada doorashooyinka soo socda.

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay kamid tahay goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doirashooyinka labada Aqal ee ka aanaya degaannada Maamulka Hir-Shabeeleel, waxaana maalmihii la soo dhaafay ka socday howlgalo amniga lagu xaqiijinayay.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post