840 Views

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo Aqalka Cad ku soo dhaweyn doona Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo  Aqalka Cad ku soo dhaweyn doona Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq
____________________________________________________________________________

Sabti: July 17,  2021

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Aqalka Cad ku soo dhaweyn doona Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Mustafa al-Kadhimi 26-ka bishan July, sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiskiisa.

Kulanku ayaa iftiimin doonaa iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Mareykanka iyo Ciraaq sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay  Aqalka Cad ee dalkaas.

Xoghayaha dhanka Saxaafadda ee Aqalka Cad Jen Psaki ayaa sheegtay in Biden “sidoo kale uu rajeynayo in la xoojiyo iskaashiga laba geesoodka ah ee Ciraaq ee arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

Kulankan ayaa waxa uu dhici doona iaydoo walwalka uu sii kordhayo ee dhanka howlgalada, saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in weerarada joogtada ah ee ka dhanka ah bartilmaameedyada Mareykanka ee Ciraaq iyo Suuriya ay taas walaac xooggan ka qabto.

Waxaa jiray ugu yaraan sideed weerar oo diyaaradeed oo lala beegsaday ciidamada  Mareykanka tan iyo markii Biden uu qabtay xafiiska bishii Janaayo, iyo sidoo kale 17 weerar oo gantaallo ah oo iyadana lagu qaaday.

Maamulka Biden ayaa ka jawaabey labo jeer oo uu bartilmaameedsaday kooxaha hubeysan ee reer Ciraaq ee ka howlgala gudaha Siiriya, oo ay ku jiraan mid ku dhow xadka Ciraaq.

Ciraaq ayaa waxa  muddo dheer ahayd goob loolan adag ku dhex maro Mareykanka iyo Iiraan.

Xiriirka Baqdaad ee Washington ayaa ahaa mid cakiran tan iyo markii Mareykanku diley sanadkii lasoo dhaafay Jeneraal Qassem Soleimani oo ahaa taliyihii ugu sareeyay Iran iyo taliye sare oo kooxaha Ciraaq Abu Mahdi al-Muhandis kaas oo lagu dilay isna garoonka diyaaradaha Baqdaad.

Weerarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa dhacay 3-dii Janaayo, ee sanadkii  2020kii,  amarkaas ayaana waxaa ku bixiyay madaxweynihii xilligaas Donald Trump

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post