1575 Views

Kooxda Horseed oo 41 sano kaddib ku guuleysatay horyaalka Somali Premier League

Kooxda Horseed oo 41 sano kaddib ku guuleysatay horyaalka Somali Premier League
____________________________________________________________________________

Isniin: August 2, 2021

Kooxda kubadda cagta Horseed ayaa 41-sano kaddib ku guuleysatay Horyaalka Somali Premier League xilli ciyaareedkan 2020-21.

Cawo iyo Maalin ayaa loo caleemo saaray Horyaalka Somali Premier League kaddib markii Naadiga MCC oo ay la ciyaari lahaayeen kulan kala bax ah (Paly off) ay soo xaadiri waayeen garoonka Eng. Yariisow.

Labada kooxood ee MCC iyo Horseed ayaa isku dhibco ka noqday horyaalka Premier League, waxaana loo baahday in lagu kala saaro kulan kala bax ah oo Kooxdii adkaatana ay horyaalka ku guuleysato.

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa go’aansaday in Kooxdii imaan weysa ay dhibcaha ka qaadaan, iyadoo markii ay MCC soo xaadiri weysayna qaab for fait ah ay horyaalka ku qaadday kooxda Horseed.

Horseed SC ayaa inta aan loo caleemo saarin hanashada horyaalka Premier League, waxa ay baasteen kubadda isku dhiidhiib dhor daqiiqo socday oo uu garsoorku xaadir ahaa kaddibna ay kubbadda shabaqa geliyeen sidaasna lagu xukmiyey in ciyaartu dhammaatay oo horyaalka ay ku guuleysatay naadiga Cawo iyo Maalin ee Horseed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post