933 Views

Wasiir Fowsiya oo sheegtey in 8 dhaqtar uu ku dhacey COVID19

Wasiir Fowsiya oo sheegtey in 8 dhaqtar uu ku dhacey COVID19
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 15 2020 –Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa bogaadisay kaalinta dhaqaatiirta, kalkaaliyaasha iyo howl-wadeennada caafimaadka ay ka qaadanayaan badbaadinta shacabka iyo dagaalka loogu jiro Xakameynta faafitaanka COVID-19.

 

Waxaa ay sheegtey Wasiir Fowsiya in 8 kamid ah Dhaqaatiirta ku Howlaneyd badbaadinta dadka uu ku dhacey Cudurka Coronavirus uu haleelay Cudurka,isla markaana iyaga haatan la baxnaaninayo.

 

 

 

Sidoo kale waxaa ay sheegtey in xilligaan uusan soo kordhin kiis la xiriira Cudurka Coronavirus,waxaana dadka Soomaaliyeed ay ugu baaqdey inay qaataan talooyinka Caafimaad ee Wasaaradda iyo Hay’adaha kale ee Dowladda.

 

Kiisaska la xiriira Cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ayaa gaarey 60 Ruux,iyada oo laba ruux ay u geeriyoodey halka kuwo kale ay la jiifaan oo xaaladooda Caafimaad lala tacaalayo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment