765 Views

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Jubba

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Jubba
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 03, |  2020
—Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galaya munaasabadda heshiiska nabadeed ee dalka Suudaan ayaa gaaray magaalada Jubba ee caasimadda dalka Suudaanta Koonfureed, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyey.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kamid ah Madaxweynayaasha markhaatiga ka ah heshiiskan nabadeed ee u dhaxeeya Dowladda aan walaalaha nahay ee Suudaan iyo Kooxaha hubeysan ee Galbeedka iyo Koonfurta dalka Suudaan.

Dowladda Suudaanta Koonfureed  ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan munaasabaddan waxa ay u soo dirtay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si loo xuso doorka dibloomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku lahayd wada-xaajoodyadan nabadeed.



Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post