297 Views

Ruushka oo ku hanjabay in dalka Lithuania uu sida ugu dhaqsiyaha badan u wajihi doono cawaaqib xumada

Ruushka oo  ku hanjabay in dalka Lithuania uu sida ugu dhaqsiyaha badan u wajihi doono cawaaqib xumada
____________________________________________________________________________


Talaado June 21, 2022

Ruushka ayaa ku hanjabay in dalka Lithuania uu sida ugu dhaqsiyaha badan u wajihi doono cawaaqib xumada ka dhalata mamnuucidda badeecooyinka isaga kala gooasha gobalka Baltic-ka ee dhulka Ruushka ee Kali-ningrad.

Sarkaal sare oo ka tirsan Ruushka, laguna magacaabo Nikolai Patrushev, ayaa ku tilmaamay fal cadaawad ah tallaabadaas, wuxuuna ka digay in tillaabooyinka aargoosiga ah ee Moscow ay qaadi doonto ay saameyn xun ku yeelan doonaan dadka Lithuania.

Midowga Yurub ayaa sheegay in Lithuania kaliya ay fulineyso cunaqabateynta Midowga Yurub ee ku aadan duulaanka Ruushku ku qaaday Ukraine iyo iyadoo alaabada aan la cunaqabateyn weli loo ogol yahay inay sii maraan Kali-ningrad.

Ruushka ayaa sheegay in mamnuucidaasi ay jabineyso sharciga caalamiga ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post