1089 Views

Akhriso: Xisbiga UPD oo war ka soo saaray Xaalada Maamulada Galmudug iyo Jubbaland

Akhriso: Xisbiga UPD oo war ka soo saaray Xaalada Maamulada Galmudug iyo Jubbaland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 25, 2019–Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ayaa soo badhigay mowqifkiisa ku aaddan xaaladda dawlad goboleedka Galmudug, doorashooyinka Jubbaland iyo khilaafka ka dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada.

Baaq uu soo saaray Xisbiga UPD ayaa lagu sheegay in Xisbiga uu saluugsan yahay doorka taban ee dowladda Federaalka ku leedahay xaalada ka taagan Galmudug.

Sidoo kale Xisbiga ayaa xusay in dowladda Federaalka ay sanad-kii la soo dhaafay ku heysay Maamulkaas kala qeybin, isku dir, Cunaqabateyn iyo beegsi joogto ah oo ku aadan magac dilka Madaxda maamulkaas iyo is hor-istaagga mashaariicdii horumarineed ee dawlad goboleedka Galmudug loogu talagalay.

Xisbiga ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay joojisay faragelinta ay ku heyso Maamulada Galmudug iyo Jubbaland.

Halkan hoose ka akhriso Baaqa Xisbiga UPD

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment