1005 Views

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun ku riday Nin u dhashay dalka Ingiriiska

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun ku riday Nin u dhashay dalka Ingiriiska
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 06,, 2019 —Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maata markale u fariisatay dhagaysiga Dacwad Nin u dhashay dalka Ingiriiska oo lagu Magacaabo Andrew Brain irlam kaas oo loo haystay qalqal gelinta Amniga Garoonka Caalamiga ah Aadan Cabdulle Cismaan Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho.

Maxakamada Gobolka Banaadir ayaa Go’aan ka gaartay waxayna ku xukuntay Inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan $7,000 waxayna Maxakamaddu ku waysay Qodobadii lagu soo Eedeeyay labo ka mid ah waxayna ku heshay qodobka 34aad ee Xeerka Nabad gelyada Guud Ee Qaranka,sida lagu sheegay War kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Ninkaan u dhashayd alka Uk ayaa Ciidamada Ammaanka Garoonka Muqdisho waxaa ay qabteen Lixdii Bishii tagtay ee July Sanadkan 2019,isaga oo ku wajahnaa dalka Imaaraadka Carabta, waxaana Maxkamadeyntiisa ay bilaabatay 31 Bishii July, iyada oo la soo bandhigay 7 qasnadood iyo jaakada aan xabada Karin ee uu watay.

Andrew Brain irlam oo u dhashay dalka Uk, isla markaana Maxkamada Gobolka Banaadir Maanta ay xukunka ku riday ayaa sidoo kale heysta dhalashada dalka Faransiiska,waxaana uu ka Shaqeeyaa Shirkadda SKA oo mar maamuli jirtay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho ka hor inta an lagu wareejin Shirkadda Favori ee laga leeyahay dalka Turkiga.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment