486 Views

Wararkii ugu dambeeyey duqeymaha ay KENYA ka wada gobolka GEDO

Wararkii ugu dambeeyey duqeymaha ay KENYA ka wada gobolka GEDO
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 22, 2022

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Kenya ay kordhisay duqeymaha dhanka cirka ah ee ay ka fuliso gobolkaasi oo hoostaga dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana khasaaraha u badan la kulma shacabka.

Duqeymaha ayaa waxaa lagu soo warramayaa in diyaaradaha Kenya ay si gaar ah ugu garaaceen deegaanada Garsaal, Wargaduudo, Busaar iyo Khadiijo Xaaji ee gobolka.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ah ayaa sheegay in duqeynta ka dartay saacadihii ugu dambeeyey, isla-markaana ay waxyeelo soo gaartay dadka shacabka ah.

“Duqeynta saacadihii u dambeeyey ayey sii saa’iday, waxaana inta badan ay ka dhaceysaa deegaanada Khadiijo Xaaji, illaa dhinaca meesha la yiraahdo Buusaar,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in marba marka ka dambeysa uu sii kordhayo khasaaraha dhimashada iyo dhaawac ee duqeymahaasi ka dhalanaya.

“Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca waa sii kordhayaa waxa duqeynayana waa diyaaradaha dagaalka Kenya,” ayuu sii raaciyey.

Deegaanada la duqeeyey ayaa waxaa ku sugan dad reer guuraa ah, sidoo kale waxaa meelaha qaar lagu arkaa dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolkaasi.

Gedo ayaa maalmihii u dambeeyey waxaa kasoo yeeray qaylo dhaan ay shacabka ka muujinayaan duqeymaha ay diyaaradaha Kenya ka bilaabeen deegaanada gobolkaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post