999 Views

Garab ka mid ah Guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi oo gudoomiye doortay

Garab ka mid ah Guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi oo gudoomiye doortay
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 07, 2021 —Guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi ee dalka garabka uu hoggaaminaayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa doortay guddoon ka dib doorasho ka dhacday xerada Afisyooni.

Doorashadaan ayaa timid ka dib markii garabkii Cabdi Xaashi maanta aysan soo xaadirin sababo la xariira tabasho ay qabeen.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray doorashada maanta, waxaana goobta ay ka dhacday ku sugnaa Wasiiro iyo xubno ka socday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Khadar xariir Xuseen, ayaa  noqday gudoomiyaha guddiga doorahada Soomaaliland iyada oo aysan goobta soo xaadirin Afartii Xubnood ee Gudoomiye ee uu soo magacaabay Gudoomiye Cabdi Xaashi.

Guud ahaan waxaa fashilmay wadahaladii socday ee ku saabsanaa xal u helista Arrimaha doorashooyinka.

Garabka Cabdi Xaashi ayaa lagu waddaa in dhankooda ay doortaan guddoon Saacaddaha soo socda.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post