777 Views

WHO oo Xaaladda Hindiya ku tilmaantay mid uu dagay xanuunka Covid 19

WHO oo  Xaaladda Hindiya ku tilmaantay mid uu dagay xanuunka Covid 19
____________________________________________________________________________

April 25-2021

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay sheegtay in xaaladda Hindiya ay tahay “xusuusin ba’an” oo ku aaddan si karoonuhu inoo halligi karo.

Tirada dhimashada guud ahaan Hindiya waxay sare u kacday 2,767 afar iyo labaatan saac gudahood ilaa Axada maanta – waana tiradii ugu badneyd ee maalinle ah illaa iyo hadda.Horaantii sanadkaan, dowlada India ayaa rumeysneyd inay ka adkaatay viruska. Kiisaska cusub ee la helaa waxay u dhaadhaceen 11,000 badhtamihii Febraayo, talaallada ayaana loo dhoofinaayay dalalka, bishii Maarso wasiirka caafimaadka wuxuu sheegay in Hindiya ay “ku jirto dhamaadka” safmarkan.

Si kastaba ha noqotee, tan iyo markaas, korodhkan cusub ayaa cirka isku shareeray, kaas oo ay keeneen soo ifbaxa noocyo cusub, iyo sidoo kale isu imaatinno balladhan, sida xafladda Kumbh Mela, oo soo jiidatay malaayiin xujey ah horraantii bishan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post