786 Views

Joe Biden: “Waxaan rumeysanahay in aan guuleysan doono”

____________________________________________________________________________

Musharraxa xisbiga dimuqraadiga Joe Biden ayaa muujiyay kalsooni isla markaana ka hadlay muhiimadda ay leedahay mideynta dalka.

“Halkan kama sheegayo in aan guuleysannay balse waxaan halkan ka sheegayaa in marka lasoo gabagabeeyo tirinta codadka, waxaan rumeysanahay in aan guuleysan doono” ayuu yiri Biden.

Inkasta oo ilaa iyo hadda ay socdaan tirinta codadka gobollada sida aadka laisugu hayo balse dimuqraadiga waxay sheegayaan in ay heleen codadkii ugu badnaa abid ee uu ku guuleysto musharrax u tartamayo madaxtinimada Mareykanka.

Arbacadii Dimuqraadiga wuxuu sheegay in uu ku guuleystay codad gaarayo 70.5 malyan halka Trump uu ku guuleystay in ka badan 67.2 malyan cod.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa doorashadii sanadkii 2008-dii ku guuleystay codad gaarayo 69.5 malyan.

Inkasta oo hadda ay socoto tirinta codadka, weli waxaa laga dhuursugayaa natiijada gobollada muhiimka ah sida Arizona, Georgia, Nevada, Wisconsin iyo Pennsylvania.

Dhanka kale, kooxda ololaha Trump ayaa doonayaa in la joojiyo tirinta codadka qeybo kamid ah gobolka Georgia-halkaas oo kamid ah gobollada laisku hayo, lamana saadalin cidda ku guuleysan karto codadka gobolkan.

Dacwadda ay gudbiyeen kooxda ololaha doorashada Trumpa ayaa waxay ku sheegeen in mid kamid ah kormeerayaashooda uu arkay mid kamid ah shaqaalaha doorashada oo xilli dambe 53 cod ku darayo codadkii horey u gaaray deegaanka Chatham.

Kooxda ololaha Trump waxay gudbiyeen dacwad ah in la joojiyo tirinta codadka gobollada Michigan iyo Pennsylvania , halka ay codsadeen in dib loo tiriyo codadka gobolka Wisconsin, halkaas oo ay sheegeen in wax isdabamarin ay ka dhacday.

Gobolka Georgia, wuxuu kamid yahay meelaha sida weyn laisugu hayo, ku dhawaad codad gaarayo 200,000 ayaanan weli la tirin, sida ay sheegayaan guddiga doorashada.

Trump wuxuu ku horreeyaa 76,737 codadka laga dhiibtay gobolka North Carolina, halkaas oo ay saraakiisha sheegeen in laga yaabo in natiijada la helo 13-ka bishan Nofembar.

Gobolka Wisconsin, waxaa codad gaarayo 20,510 ku hogaaminayaa Biden- halkaas oo boqolkiiba 99 la tiriyay codadkii la dhiibtay.

Gobolka Nevada waxaa la tiriyay codadka boqolkiiba 85%- Biden ayaa ku hogaaminayaa codad gaarayo 7,467.

Halka gobolka Pennsylvania, uu Trump ku horreeyo codad dhan 187,000- balse waxaa weli la tirin boqolaal kun oo codad ah, kuwaas oo u badan deegaanada ay ku xooggan yihiin dimuqraadiga.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post