840 Views

Mahmoud Cabaas “ Israa’iil Waa Argagixiso waxayna gashay Danbiyo dagaal

Mahmoud Cabaas “  Israa’iil Waa  Argagixiso waxayna gashay Danbiyo  dagaal
____________________________________________________________________________

May 19 2021

Mahmoud Cabaas, madaxweynaha Falastiin, ayaa ku eedeeyay Israa’iil in ay ” argagixiso iyo dambiyo dagaal” ka wado Gaza.

Hadal telefishanka laga sii daayay ayuu Cabaas ku sheegay in Falastiiniyiintu “ka waaban doonin inay baacsadaan kuwa dambiyada noocaas ah ka gala ayna la tagi doonan maxkamadaha caalamiga”.

Horraantii sannadkan, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa billowday baaritaan ku saabsan dambiyo dagaal oo ay galeen Israa’iil iyo kooxaha Falastiiniyiinta sanadkii 2014, markii uu dhacay khilaafkii ugu dambeeyay ee khasaaraha badan gaarsiiyay Qaza.

ICC-da ayaa walaac ka muujisay xiisadaha u dhaxeeya labada dhinac.

Israa’il ayaa sheegtay in kaliya ay weeraraan bartilmaameedyada militariga ayna sameeyeen dadaalo looga hortagayo waxyeelada dadka rayidka ah, oo ay ka mid tahay digniinta dadka deegaanka ee ku dhow dhow aaga duqeymaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post