876 Views

Dagaal culus oo xalay ka dhacay agagaarka Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere..

Dagaal culus oo xalay ka dhacay agagaarka Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere..
____________________________________________________________________________

Feb: 19/2/2021

Dagaal culus ayaa ka socda agagaarka Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, kaasoo u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo kuwa Musharaxiinta, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo cida weerarka qaaday

Dadka degan Xaafadaha degmada Boondheere ayaa sheegaya inay maqlayaan rasaas culus oo la isku adeegsanayo.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda ay weerareen Ciidanka Musharaxiinta oo ku sugnaa Daljirka Dahsoon oo maalinta berri la qorsheynayo inuu ka dhaco bannaan bax ay iclaamiyeen Musharaxiinta.

Hotelka Maa’ida EX Naasahablood 2 ayaa waxaa degan Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, kuwaasoo xalay Hotelka degay.

Xaalada Muqdisho ayaa kacsan, iyadoo magaalada ay noqotay xaalad Ciidan iyo jawi dagaal.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post