1296 Views

Dhageyso:-Digniin Loo Diray Ciidamada Amniga Iyo Musharixiinta Puntland

Dhageyso:-Digniin Loo Diray Ciidamada Amniga Iyo Musharixiinta Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Diseembar 25, 2018 –Kadib kulan looga hadlayay Amniga oo ahaa mid deg deg ah laguna qabtay Magalada Garoowe ayaa waxaa laga soo saaray Amaro ku socda Ciidamada Puntland iyo musharixiinta Madaxweynaha Maamulkaas.

Wasiirada Amniga,Warfaafinta iyo taliyaha Ciidamada Amniga doorashada Puntland ayaa siwadajir ah u soo saaray Amaradaas oo inta badan ku saabsanaa sugida Amniga.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf (Dowlad) ayaa sheegay in musharixiinta Madaxweynaha looga baahan yahay inay xakameyaan Ciidamada ay wataan xilliyada ay ku jiraan ol olaha doorashada.

Waxa uu sheegay in Magalada Garoowe gudaheeda aan lagu arki karin ciidamo aan aheyn ciidamada loogu talo galay Amniga doorashada Puntland,hayeeshee ciidamada kale iyo kuwa musharixiinta looga baahan yahay inay Xarumahooda ku ekaadaan.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf (Dowlad) ayaa sidoo kale faray Ciidamada ku jira furumaha dagaalka sida Tukaraq in xilliyada ay soo aadayaan Magalada ay kusoo galaan,iyaga oo Shacaba ah oo hubkoodii iska-soo dhigay.

Qaban qaabadii u dambeysay ee doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa ka socota Magalada Garoowe,waxaana siweyn loo adkeeyay Amniga Magalada Garoowe.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment