1197 Views

Boqorad Queen Elizabeth oo diiday aqbalaadda abaalmarinta cimri dheerida

Boqorad Queen Elizabeth oo diiday aqbalaadda abaalmarinta cimri dheerida
____________________________________________________________________________

Arbaco: October 20, 2021

Boqorada UK, Queen Elizabeth, ayaanan soo dhoweyn aqbalaadda abaal marinta sanadka ee majalad fac weyn, taasoo ku saabsan cimri dheerida.

Boqoradda ayaa sheegtay, in dada ay tahay, hadba waxa qofku dareemayo, sidaa darteedna aaney iyadu aaminsaneyn iney tahay qof aad u da weyn.

Haatan boqorada dadeedu waa 95 sano jir, iyadoo si xushmad leh uga jawaabtey waraaq casuumaad ah, oo ay majaladu usoo gudbisay.

Waxey tilmaantey in qof kale oo kaga haboon abaalmarinta la baadi goobo, iyadoo u rajeysay helitaanka ruuxa ay goobayaan.

Boqoradda ayaa ah boqoraddii ugu xukunka dheereyd, iyadoo lagu wado sanadka danbe iney u dabaal degto toddobaatan guurada kasoo wareegtay markii loo caleema saarey taajka boqornimada UK.

BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post