2538 Views

DEG-DEG:-Qarax aan qasaare geysan oo ka dhacay Muqdisho

DEG-DEG:-Qarax aan qasaare geysan oo ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 10ka Ogosto, 2017 –  Wararka inaga soo gaaraya Wadada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow halkaasi uu ka dhacay Qarax Gaari, kaasi oo si weyn looga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

Qaraxan oo ahaa mid loo adeegsaday Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay ka soo horjeedka Carwo Al-kowther, sida ay Qaranimo online  u sheegeen Saraakiisha Ciidamada ammaanka.

Saraakiisha ayaa sheegay Gaarigan in ay markii horeba ka war hayeen, uuna halkaasi soo dhigay ninkii waday,kana cararay markii ay ogaadeen Ciidanka ammaanka, kadibna lahakiyay dhaqdhaqaaqa wadadaasi, sidaasina uu ku Qarxay.

Ma jirto wax khasaare ah oo ka dhashay Qaraxan, sida ay inoo sheegeen saraakiisha ammaanka, balse waxaa bur bur uu soo gaaray goobaha Ganacsi ee halkaasi ka akdhow.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment