798 Views

Shir Maanta ka furmaayo Dhuusamareeb, Axmed Madoobe & Deni oo ku wajahan

Shir Maanta ka furmaayo Dhuusamareeb, Axmed Madoobe & Deni oo ku wajahan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 02, 2021–Gelinka dambe ee Maanta oo Talaado ah ayaa waxaa la filayaa in Magalada Dhuusamareeb uu ka furmo shirka wadatashiga Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir , kaas oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.

Magaalada Dhuusmareeb ayaa waxaa xalay ku hoyday Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda saddexda dowlad Goboleed ee taageersan dowladda, sida Madaxweynaha Hir-Shabeelle, Madaxweynaha Koonfur Galbeed & Madaxweynaha Galmudug oo shirka marti-gelinaya, halka Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland  & gudoomiyaha Gobolka Banaadir ay Maanta tegayaan.

Shirka wadatashiga Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada ee Dhuusamareeb ayaa waxaa looga hadli doonaa xal ka gaarista muranka hareeyay heshiiskii doorashooyinka dalka ee la gaaray 17-kii Sebteembar ee 2020.

Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in shirka looga hadli doono khilaafka u dhaxeeyay Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, kaas oo hakiyay wada-shaqeynta labada dhinac.

Sidoo kale waxaa jiri doona kulamo gooni gooni ah oo ay yeelan doonaan Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada ku wda sugan Magaalada Dhuusamareeb si ay uga wada hadlaan xaaladda dallka.

Shirka wadatashiga Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ku saabsan hadii heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka dalka six al logu helo khilaafka hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post