420 Views

Mareykanka oo xayiraado dhanka socdaalka ah kusoo rogay Masuuliyiin ka tirsan DFS

Mareykanka oo xayiraado dhanka socdaalka ah kusoo rogay Masuuliyiin ka tirsan DFS
____________________________________________________________________________


Sabti:February 26, 2022

 War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay kusoo rogtay xayiraad dhinaca socdaalka ah Mas’uuliyiin iyo saraakiil militeri oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.


Wasiirka Arrimaha dibadda Mareykanka Antony Bilikin ayaa shaaca ka qaaday in dadka cuniqabateentaasi socdaalka ay taabnayso ay yihiin kuwa didan hanaanka dimoqraadiyada Soomaaliya iyo geedi socodka Nabadda Soomaaliya.


In kabadan 50 qof oo iskugu jira Siyaasiyiin iyo Saraakiil militeri oo Dowladda ka tirsan ayaa la tilmaamay in ay yihiin kuwa cuniqabateentaasi lagu soo rogay ee socdaalka safarka dhinaca Mareykanka maadama ay halis ku yihiin hanaanka dimoqraadiyada Soomaaliya.


Dowladda Mareykanka oo horey ugu hanjabtay inay cuni qabateenta ay soo rogi doonto hadii dib u dhac ku yimaada doorashada Soomaaliya ayaa todobaadkii lasoo dhaafay xukuumada xil gaarsiinta waxa ay shaacisay in mudo dheeraad ah ay ku dartay xiliga lagu soo gaba gabeenayo doorasha Soomaaliya.


Shalay ayay ahayd mudadii horey loogu heshiyay in lagu soo afjaro doorashada xubnaha Golaha shacabka Soomaaliya balse ay sababo la xiriira maalgelin la’aan iyo dodo ka taagan degaan doorashooyinka 2aad dartood ay keentay in mudo 15 kale oo dheeri ah lagu daro doorashada soo gaba gabeenteedi.


Maalmaha soo socda ama saacadaha soo socda waxaa macquul ah in Dowladda Mareykanka ay sii deyso ama baahiso magacyada shaqsiyaadka ay cuniqabateenka socdaalka ah ay kusoo rogtay kuwaasi oo ay u aqoonsatay inay halis ku yihiin nabadda iyo dimoqraadiyada Soomaaliya.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post