891 Views

Wasiiro ka tirsan xukuumada Rooble oo la kulmaya Waxgaradka Beelaha H.Gidir, Abgaal iyo Murusade si loo joojiyo banaanbaxa Daljirka Dahsoon

Wasiiro ka tirsan xukuumada Rooble oo la kulmaya Waxgaradka Beelaha H.Gidir, Abgaal iyo Murusade si loo joojiyo  banaanbaxa Daljirka Dahsoon
____________________________________________________________________________

February 24, /2/ 2021 

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho saacadihii la soo dhaafay ayaa sheegaya in Wasiiro ka tirsan xukuumada Rooble ay  bilaabeen kulanka Wax garadka iyo siyaasiin ku heyb ah madaxweynayaashii hore ee dalka, iyo Musharixiinta kuwaas oo Raba in ay Joojiyaan Banaanbaxa lagu wado in lagu Qabto Jimcaha Daljirka Dahsoon .

Siyaasiyiin ku Heyb ah Xasan shekh, shekh shariif, C/raxmaan C/shakuur, Xasan Cali kheyre, Guuleed, Geele iyo Xubno kale oo ku Heyb ah ayay la kulmeen Wasiirada ah isku heebta Yihiin ee ku Jira Xukuumada Rooble.

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa wado shirar gaar gaar ah oo ay uga hadleyso abaabulka banaanbaxa mucaaradka iyo sidii loo joojin lahaa banaanbaxaas.

Sidoo kale Durba Muqdisho waxaa laga dareemayaa culees ciidan iyo dhaqaaqyo ka socda dhinaca dowladda, goobo hor leh ayaa ciidan la dhigay waxaana la baarayaa gaadiidka iyo dadweynaha, halka wadada aada garoonka diyaaradaha xalay biro lagu gooyay loona diiday gaadiidka u socda dhinaca garoonka

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post