1305 Views

Guddiga Shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo War Cusub soo saaray

Guddiga Shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo War Cusub soo saaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 13, 2019 —Kadib kulan ay Magalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ku yeesheen Guddiga qaban qaabada Shirka dib u heshisiinta Galmudug  ayaa waxaa ay soo saareen habraac la xiriira qabsoomida Shirkaas oo diyaar garoowgiisa uu ka socdo Magalada Dhuusamareb.

Guddiga ayaa shirkooda ka soo saaray Shan qodob oo uu ku furmi karo shirkaas, oo lagu wado in Magalada Dhuusamareeb uu ka furmo 17 ka Bishaan,waxaana Go’aanada ay soo saareen ka mid ah.

  1. Bilawga soo dhaweynta iyo Qaabilaadda Ergooyinka ka qeyb-galayaasha Shirka.
  2. Hubinta iyo Kormeeridda Goobaha Shirka iyo Deegaanka Ergooyinka.
  3. Diyaarinta Ajandaha iyo Agabyada Shirka.
  4. War-gelinta iyo Diyaar-garowga Hay’adaha Amniga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka.
  5. Xadeynta Waqtiga soo gaaridda Ergooyinka Goobta Shirka oo ah: 14 – 16 Bishaan iyo Furitaanka Shirka oo ah: 17 ka Bishaan.

Si kastaba Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxaa ka socda diyaar garoow ku aaan qabsoomida Shirka dib u heshisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment