696 Views

Madaxweynayaasha Jubbaland & Koonfur Galbeed oo kulan gaar ah ku yeelanaayo Kismaayo

Madaxweynayaasha Jubbaland & Koonfur Galbeed oo kulan gaar ah ku yeelanaayo Kismaayo
____________________________________________________________________________


khamiis: December 16, 2021

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo aocda Magaalada Jubbaland ee Magaalada Kismaayo ay kulan gaar ah ku yeeshaan Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ee Axmed Maxamed Islaam iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed ( laftagareen).

Kulanka ayaa waxaa ay kaga hadli doonaan arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka, iyadoo la sheegayo in labada dhinac is dhaafsanayaan dano kala duwan oo isaga xiran, gaar ahaan kuraas Xildhibaan oo rag aad ugu dhow labada Madaxweyne ay u rabaan, kuwaasoo kuraastooda taal Kismaayo iyo Baydhabo.

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in sababta ugu weyn ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu u tegay Kismaayo ay tahay in Wasiirka Gaadiidka Maamulkiisa Xasan Xuseen Maxamed uu doonayo in uu kusoo baxo kursiga Xildhibaannimo, isla markaana arrintaasi uu kala Shaqeeyo Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ( laftagareen) iyo dhiggiisa Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa is dhaafsan doono in laga wada Shaqeeyo sidii xildhibaannada labada degaan doorasho ka kala jiro soo baxaan, in kastoo ay taagan tahay saameynta Beelaha leh kuraasta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post