2055 Views

Dowladda Qatar oo sheegtay inay si buuxda u garab taagan yihiin DFS, kadib qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

Dowladda Qatar oo sheegtay inay si buuxda u garab taagan yihiin DFS, kadib qaraxyadii ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 16, 2018 – Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Qatar ayaa lagu sheegay inay si xooggan u cambaaraynayaan qaraxyadii iyo weerarkii ay Alshabaab shalay ka geysteen meel ku dhow Qasriga Madaxtooyadda ee magaalladdan Muqdisho.

Wakaalladda Wararka Qadar ee QNA oo Warkan baahisay ayaa sheegtay inay Dowladda Qatar ka soo horjeedo fal kasta oo Colaad ah, isla markaana ay taageero buuxda la garab taagan yihiin DFS sidii loo qaadi lahaa Tallaabooyinka lagu xoojinayo Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia.

Dhinaca kale, Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Qatar waxaa Tacsi loogu diray dhamaan Qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen Qaraxyadii iyo Weeraradii shalay ka dhacay nawaaxiga Xarunta Villa Somalia.

Waxay kale Qatar u rajeeysay dadkii ku dhaawacmay inay sida ugu dhaqsaha badan kaga soo bogsadaan dhaawacyadii soo gaaray.

Tan iyo Khilaafkii Khaliijka kadib, waxay Dowladda Qatar waxay ka mid tahay Dowladaha Carabta ee haatan taageeradda ugu badan siiya DFS, waxaana Mashaariic badan oo Samafal ka wadaan gudaha Somalia.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment