2340 Views

Laacibka Maxamed Saalax iyo xulka Faraaciinta oo diyaar-garowgii u dambeeyey ugu jira Koobka Adduunka

Laacibka Maxamed Saalax iyo xulka Faraaciinta oo diyaar-garowgii u dambeeyey ugu jira Koobka Adduunka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 10, 2018 –  Weerar-yahanka Kooxda Liverpool FC, Maxamed Saalax waxa uu Madaxweyne C/fataax Al-sisi u xaqiijiyey inuu ka soo kabtay dhaawacii Garabka ka soo gaaray Ciyaartii Finalka ee ay Kooxdiisa bishii May 30-dii la yeesheen Kooxda Real Madrid ugu tartamayeen Koobka Horyaalka Europe ee “The Champions League”.

Waxaana uu tilmaamay inuu Ilaah idinkiisa rajeynayo inuu ka qeyb galo Koobka Adduunka, isagoo ka qeyb geli doona Ciyaartiisa  ugu horreysay ee ay Xulka Qaranka Masar la ciyaari doonaan Xulka Qaranka Uruguay.

Dhinaca kale, Laacibka Maxamed Saalax waxa uuu ka mid noqday Liiska Xulka Qaranka Masar  ee Isniintii hore lagu dhawaaqay, kuwaasi oo la filayo inay saacadaha soo socda u ambabaxaan dalka Raashiya, si ay uga qeyb galaan Koobka Adduunka.

Xulka Masar oo lagu naaneyso Faraaciinta waxay xalay tababarkoodii ugu dambeeyey ku qaateen gudaha Masar, waxaana la filayaa inay maanta u ambabaxaan dalka Raashiya.

Bishan June 19-da waxay Xulka Masar is-arki doonaan Xulka Raashiya, halka ay bishan  25-da isku dhici doonaan Xulka Sacuudiga.

mo-salah-5 mo-salah-4 mo-salah-3 mo-salah-2 mo-salah-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment