675 Views

kiiska dilkii guddoomiyihii hore ee degmada Hodan Dhegajuun oo Maxkamadda ciidamada dhagaysatay Mar kale.

kiiska dilkii guddoomiyihii hore ee degmada Hodan Dhegajuun oo Maxkamadda ciidamada dhagaysatay Mar kale.
____________________________________________________________________________

May 8, 2021

Waxaa saakay Mar kale Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya dib u billowday dhageysiga dacwadda kiiska dilkii loo geystay guddoomiyihii hore ee degmada Hodan Cabdixakiin Dhegajuun.

24-kii bishii hore ee Abriil ayey maxkamadu bilaawday dhageysiga dacwadda kiiskan, waxayna maanta noqoneysaa markii labaad oo ay u fariisatay kiiskaan.

Fadhiga ay ka socotay maxkamadeyntan waxaa goobjoog ahaa saraakiil ka tirsan maxkamadda, ehellada labada dhinac ee dacwadda, dadweyne kale iyo rag loo heysto dilka Cabdixakiin Dhegajuun oo isugu jira saraakiil iyo askar ka tirsan booliiska Soomaaliya.

sidoo kale Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, Cabdullaahi Buulo Kameey ayaa maxkamadda horkeenay cadeymo la xiriira sida uu u dhacay dilka guddoomiyihii hore ee degmada Hodan oo goor habeen ah ay degmada Howlwadaag ku dileen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya.


Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post