1314 Views

Mas’uuliyiinta Jamhuuriyadda Congo oo sheegay dad ka badan 60 qof ay dhinteen kaddib markii doon ay saarnaayeen ay ku qallibantay Wabiga Congo

Mas’uuliyiinta Jamhuuriyadda Congo oo  sheegay dad ka badan 60 qof ay dhinteen kaddib markii doon ay saarnaayeen ay ku qallibantay Wabiga Congo
____________________________________________________________________________

 Feb 16, 2021

Mas’uuliyiinta Jamhuuriyadda Congo ayaa sheegay in dad ka badan 60 qof ay dhinteen kaddib markii doon ay saarnaayeen ay ku qallibantay Wabiga Congo.

300 oo ruux ayaa laga soo badbaadiyay shilkaas balse waxaa suuragal ah in aan wali laga warqabin xaaladda 200 oo kale.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in doonta ay ku dhacday dhagax iyadoo mareysa wabiga ku yaalla bariga caasimadda Kinshasa, maadaama ay safreysay xilli habeen ah oo ay mamnuuc tahay in ay doomaha socdaan.

Wasiirka arrimaha bani’aadannimada ee Congo, Steve Mbikayi, ayaa dalbaday in la maxkamadeeyo dadka mas’uulka ka ah shilkaas.

Bartiisa Twitter-ka ayuu kusoo qoray: “Doon buux dhaaftay oo habeennimo safrineysay 700 oo rakaab ah ayaa qallibantay! 60 meyd ayaa durba la helay halka 300 ay badbaadeen! Waan u tacsiyeyneynaa qoysaska ay dadka ka dhinteenwaxaana dalbaneynaa in cunaqabateyn lagu soo rogo dadka arrintan mas’uulka ka ah ee ku jira waaxda gaadiidka.”

Waddooyinka dalka Congo ayaa aad u yar inta badan dadkana waxay ku socdaalaan wabiga.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post